JOWAHAR (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in kooxo hubeysani halkaasi ku toogteen Dr.Maxamed Cabdi Cali xili uu ku sugnaa Farmashi uu Jowhar ku lahaa.
Ditoorka sidoo kale waxaa la sheegay inuu ahaa Agaasime waaxeedka Wasaarada arimaha diinta iyo awqaafta ee Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle.
Ninkan wuxuu sidoo kale ka mid ahaa Culumaaudiinka deeganka wuxuuna waqtiyadii ugu dambeysay ku howlanaa baraarujinta Ardeyda jaamacadaha Magaalada Jowhar isagoona xaga diinta ka ka baraarujin jirey.
Kooxaha hubeysan ee dilka fuliyay ayaa ka baxsaday goobta xili ay goobtiisa shaqo ku dhex dileen Rabi ha u naxariistee.
Dhanka kale Masuuliyiinta Maamulka Hirshabelle, kuwa Magaalada Jowhar iyo Hay’adaha amniga midkoona kama aysan hadlin dilka ditoorka,cida geysatay iyo sababta.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM