hoggaansamo nidaamkan waxa ay jebinaysaa sharciga, waxayna sababi kartaa carqalad weyn oo ku timaadda guud ahaan kaabayaasha isgaarsiinta.
“Waxaa muhiim ah in la fahmo in qalab kasta oo isgaarsiineed oo ay maalgeliyaan shirkadaha Isgaarsiinta iyaga oo aan oggolaansho sax ah ka haysan Hay’adda loo aqoonsan doono sharci darro,” ayuu yiri Md Mustafa Yaasiin, Maareeyaha Guud ee HIQ. “Hay’addu waxay qaadi doontaa tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah si loo hubiyo u-hoggaansanaanta, oo ay ku jiri karaan ganaaxyo, iyo xitaa kala-noqoshada rukhsadda, marka loo arko inay habboon tahay.”
Shirkadaha isgaarsiinta waxaa sidoo kale lagu wargelinayaa in HIQ aysan mas’uul ka noqon doonin wixii khasaaro ah oo ka yimaada isticmaalka sharcidarrada ah ee qalabka aan la fasixin, oo ay ku jiraan teknoolajiyadda cusub, sida 5G. Waa mas’uuliyadda shirkadaha Isgaarsiinta iney u hoggaansamaan heerarka iyo tilmaamaha la ansixiyay si loo ilaaliyo hufaanta iyo xasilloonida shabakadda isgaarsiinta.
HIQ waxay ku dhiirrigelinaysaa dhammaan shirkadaha isgaarsiinta ee shatiga leh inay dib u eegaan agabkood isgaarsiinta oo ay billaabaan tallaabooyinka lagama-maarmaanka ah si loo hubiyo u hoggaansanaanta shuruudaha sharciyada.