ADIS-ABABA (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Dowlada Itoobiya ayaa lagu shaaciyay ineeney wali dalab rasmi ah ka helin Dowlada Soomaaliya taasoo ah inay ciidamadiida kala baxaan gobolada dalka meelaha ay ka joogaan.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Nabiu Tedla ayaa warbaahinta u sheegay inuusan jirin wax xiriri ah oo labada Dowladood yeesheen kaasoo ay Dowlada Somalia ku dalbaneyso inay ciidamadoodu kala baxaan Soomaaliya.
Mar uu ka hadlayay qorshihii ahaa badalka ciidamada ATMIS ayuu sheegay inaan talaabadaasi fulinteeda wali laga hadlin taasoo uu ula jeedo inaysan jirin qorshe cad oo hada looga maarmayo ciidamada ATMIS  oo Itoobiya ka mid tahay.
“ma jirto dalab nooga yimid Dowlada Somalia si aan ciidamadeena usoo baxsano” ayuu yiri Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Itoobiya
Nabiu Tedla wuxuu intaasi ku daray in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya oo kumanaan kun ah ay ku joogaan heshiis iyo is faham labada dal hore u dhex maray.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here