HomeWarkiiDowlada Kenya oo ka hadashay nuuca uu yahay xiriirka ay la leedahay...

Dowlada Kenya oo ka hadashay nuuca uu yahay xiriirka ay la leedahay Maamulada Somaliland iyo Jubaland

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ayaa looga hadlay xiriirka ay la leeyihiin Maamulada Somaliland iyo Jubaland xili marararka qaar ay soo dhaweyn gaara u sameeyo labadaaasi maamul.
Warka ka soo baxay Kenya waxaa lagu xaqiijiyay inay si buuxda u aqoonsan tahay midnimada, madax-banaanida iyo wadajirka Soomaaliya,islamarkaana wax kasta oo dhexmara iyaga iyo guud ahaan maamul goboleedyada Somalia ay kala tashato Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Warka ka soo baxay Dowlada Kenya waxaa lagu shaaciyay in Dowladda Federaalka ay tahay tan kaliya ee sharci ahaan metesha Qaranka Soomaaliya.

Dhanka kale Dowlada Kenya waxay ku adkeysaneyso inay xiriir dhaw la sii lahaaneyso ladaasi Maamul Goboleed ee kala ah Somaliland iyo Jubaland iyagoona tilmaamay inay dano ganacsi ka leeyihiin.

“Dano ganacsi iyo mid amni ayaa nooga xiran  maamulada Jbaland iyo Somaliland waana  sii wadeynaa xiriirka  nagala dhexeeya waliba inagoo ilaalinayna madax-banaanida iyo midnimada Soomaaliya,sidoo kalana og in dowladda Federaalka dalka mas’uul ka tahay”ayaa lagu yiri warka Kenya ka soo baxay

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
May be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -