HomeWarkiiDowlada Somalia oo soo dhaweysay maxaabiis is dhaafsiga sedexda Maamul Goboleed+SAWIRRO

Dowlada Somalia oo soo dhaweysay maxaabiis is dhaafsiga sedexda Maamul Goboleed+SAWIRRO

Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS, ayaa bayaan ay soo saartay waxa ay ku soo dhaweysay talaabada ay maamulada Soomaaliland, SSC Khaatumo iyo Puntland isku dhaafsadeen Maxaabiis ay kala hayeen, taas oo daba joogta dedaaladii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ka dib socdaalkiisii taariikhiga ahaa ee magaalada Laasacaanood.

Wasaaradda Cadaaladda ayaa sidoo kale bogaadisay Madaxda Maamuladaas oo muujiyay niyad wanaag isla markaana qaaday talaabooyin horseedaya nabad ka hanaqaada gayigeena.

Sidoo kale qoraalkaan ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ay dhiirigalinayso Maamulada Soomaaliland, SSC-Khaatumo iyo Puntland in ay sii wadaan dedaaladan bilowga ah, ilaa laga xaqiijinayo in xorriyadooda ay dib u hantaan Muwaadiniinta u xiran xiisadaha Colaadeed sidoo kalana la dardargaliyo wada hadalada Bulshada iyo nabadaynta.May be an image of 10 people, lighting, table and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -