Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Xildhibaano ka tirsan BFS, kan Maamulka Hirshabelle, Saraakiil iyo Mas’uuliyiin kale ayaa gaaray Deegaanka Daaru-nicma ee Gobalka Shabeelaha Dhexe, halkaasi oo ka mid ah deegaanada istiraatiijada ahaa ee laga saaray kooxaha Khawaarijta.

Masuuliyiinta ayaa deegaanka Daaru-Nicma ee hoostagta Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe u tagay sidii ay ugu kuurgali lahaayeen xaaladaha Nololeed iyo Amni, iyadoona goob fagaare ah uu kula hadlay Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa difaaca shacabka ee howlgallada sifeynta Khawaarijta ka wada deegaanadaasi.

XIGASHO WARBAAHINTA DOWLADA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here