Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay in maamulkiisa uu xoogga saarayo sidii loo hubin lahaa Dad uu ku tilmaamay in aanay ahayn dhaqaatiir balse sheeganaya.

Waxa uu ka xog-warramay qiso uu waaya-joog uu u ahaa isaga oo sheegay in Mid kamid ah Dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo uu qariyay uu dalka dibaddiisa aaday kaddib markii goobtii uu ka howlgalayay looga saaray Kalkaaliye ajnabi ah.

Advertisement

Yuusuf Madaale ayaa intaas ku daray in markii uu la kulmay dhaqtartaas uu uga xog-warramay sida qisadaan u qabsatay balse markii dambe lagu wargeliyay in kalkaaliyihii lagu baddelay uu sameynayo Qaliin loona baahan yahay in uu gacan qabto.

Markii uu dhaqtartu damcay in uu kahor istaago ayuu Duqa Muqdisho sheegay in Maamulkii Isbitaalkaas uu ku dooday in uu is hor istaagayo shaqadooda isla markaana canaan & qaylo dhegaha looga shubay waa sida uu yiri.

Ka maamul Gobol ahaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho sheegay in la dabagalayo Dadka aan gaarin derajada dhaqaatiirta ee ka howlgalla Goobaha kala duwan ee Caafimaadka si looga hortago halista ka dhalan karta.

“In badan aan aragnay oo aan halkaan uga sheekeen karin, Nin Isbitaal joogay oo dhaqtar ah oo Masar ku kulanay waxa uu igu yiri waan kasoo tagay oo Nin Ajnabi ah ayuu Isbitaalka Keensaday, ayaan aniga oo maqan ayaa la isoo wacay oo la igu dhahay Dhaqtarkii ayaa maanta qaliinka geli raba oo adiga ayaa lagu sugayaa, markii aan isku dayay in aan ka joojiyo Ninkii goobta lahaa ayaa igu dhahay Isbitaalkeyga miyaad Isbaaro u dhiganeysaa? Maxaa kaa quseeya & ereyo kale” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Waa uu sii hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho waxaana uu yiri: “Adeerayaal waan kasoo gudubnay xiligii Baangadaha lugaha lagu jari jiray, Xilligii Dhaqtar u ekaha uu dadkeenna dhaqtar isaga dhigi jiray, waxa aan rabnaa in aan Dadkeenna ka ilaalino midka aan dhaqtarta ahayn”.

Guddoomiye Madaale ayaa dhanka kale waxa uu Guddiga Arrimaha Bulshada Baarlamaanka Federaalka iyo dhammaan cid weliba oo howshaan quseysa ka codsaday in ay kaalinteeda ka qaadato si looga hortago halista ka dhalan karta Dadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here