HomeWarkiiDuqeyn Alshabaab lagula eegtay deegaan Muqdisho ku dhaw

Duqeyn Alshabaab lagula eegtay deegaan Muqdisho ku dhaw

BASRA (DAYNIILE.COM)- Wararka laga helaayo xadka Gobolada Shabeelada dhexe iyo shabeelaha hoose ayaa sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ka gaysteen duqeyn xooggan.

Halka sida gaarka ah duqeyntu uga dhacday oo ah duleedka Deegaanka Basara ayaa la soo sheegayaa in Saraakiil Alshabaabka tirsanaa lala eegtay duqeymaha kuwaasoo fariisina ku leh halkaasi.

Ma jirto wax faah faahin oo laga helay duqeymaha aagaasi lala eegtay ,sidoo kale diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee fuliyay wali ma kala cada in mareykanku leeyahay iyo inkale.

Deegaanka Basra oo isku xira Gobolada Shabeelaha hoose iyo shabeelaha dhexe ayaa ah goob lagu yaqaan kooxda Alshabaab inay ku dhuumaaleystaan waxaana lagu xasuustaa inay tahay halkii lagu diley Farxaan Qaroole Taliyihii aadka u firfircoonaa ee Taliska Booliiska Muqdisho heystay Allaha u naxariistee.

Farxaan Qaroole waa sarkaalkii uu ku socday hadaladii Xasan sheekh ee caanka noqday ee ahaa dhiiqaa lugaha laguu geliyowhaayaa ee maandhow ha galin xiligii Farmaajo uu madaxweynaha ahaa islamarkaana xasana ahaa mucaaradka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -