QAZA (DAYNIILE.COM)-Dagaalyahannada Xamaas ayaa gantaallo iyo hoobiyeyaal ku garaacay ciidamada Israa’iil iyo taangiyo xilli ay gudaha u galeen magaalada Rafah ee koonfurta Qaza iyadoo saddex askari ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay tunnel-ka hoostiisa.

Qiyaastii 80,000 oo Falastiiniyiin ah ayaa isku dayaya inay ka cararaan Rafah iyadoo Israa’iil ay duqeymo ka geysatay bariga magaalada go’doonsan oo ay gabaad ka dhigteen ilaa 1.5 milyan oo qof.

Advertisement

Xiritaanka joogtada ah ee Israa’iil ee marinka xadka Rafah waa “iney ku ceshanayaan gelitaanka gargaarka naf-badbaadinta ee Gaza”, ayuu yiri Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada.

Ugu yaraan 34,904 qof ayaa lagu dilay 78,514 kalena waa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo 7-dii October.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here