Nairobi, 29 May 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalay shirka sanadeedka Madaxweynayaasha Afrika iyo madaxda Bangiga Horumarinta Afrika oo ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Shirkan oo diiradda lagu saaray dib u habeynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee Afrika iyo isbadalka cimilada ayaa waxaa ka qeybgalay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, kuwaas oo goobta ku soo bandhigay horumarka iyo caqabadaha ka jiro dalalkooda, si gaar ah wada shaqeynta Bangigaga Horumarinta Afrika.

Advertisement

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo shirkan ka hadlay ayaa madaxda Bangiga Horumarinta Afika uga mahadceliyey wada shaqeynta iyo taageerada maaliyadeed ee Soomaaliya, isaga oo hoosta ka xariiqay in Soomaaliya ay sameyneyso horumar iyo kobac dhaqaale, taas oo ku timid hufnaanta hanaanka maaliyadeed ee dalka.

Shirkan oo muhiim u ah Soomaaliya ayaa madaxda Bangiga horumarinta Afrika ay xaqiijiyeen taageerada iyo wada-shaqeynta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa gunaanadka shirkan kadib kulan doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah Madaxweynayaasha Afrika, isaga oo kala hadlay iskaashiga iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of ‎6 people, dais and ‎text that says "‎GAC PMENT ANK KGROUP NOUE ET ΜΟ RICAINE AMAMUKE REPUBLICO OF KENYA ANNUAL MEETINGS ASSEMBLÉES ASSEMBLÉESANNUELLES ANNUELLES NAIROBI NAIROBI|KENYA KENYA 27-31 May Mai 2024 AFRICAN FRUCANDEVELOPMER DEVELO GAOUPE DELA GLABA DEVELOPP NGUESSO LLES MOHAMUD مل 天野糕 VELOPMENT ANKG SUP LABANQUE BANQUIEA BANQUEARI AFRIC AFRIC SPPEME‎"‎‎May be an image of 6 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here