MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Mowlacii Macalin Nuur ee martigeliyay mucaaradkii jirey xiligii Farmaajo Madaxweynaha ahaa iyo isla mowlaca xiligaan Xassan Sheekh uu Madaxweynaha yahay marti geliyay mar kale mucaaradka waa isla mowlicii iyo masuulkii shalay hogaanka ahaa Khaliif C/qaadir Macalin Nuur Maxamed Siyaad laakiin waxaa jira farqi siyaasadeed oo u dhexeeya labada Mowlac.
Khaliif C/qaadir xiligii Farmajo uu joogay kaliya wuxuu ahaa siyaasi xil wasaaradeed raadsanaya sidaas ayuuna mucaaradka musharixiinta madaxweynaha u badnaa wax ugu darsaday laakiin Khaliif C/qaadir-ka maanta waa ka duwan yahay kii hore oo teeramkaan waxaa la hadal hayaa waliba warar ku dhaw dhaw inuu yahay musharax Madaxweyne.
Su’aashu waxay tahay mucaaradka maanta sidaas ma ugu baraarugsan yihiin mise waxay u heystaan wiilkii shalay wasiir raadiska ahaa ,sida ka muuqata kulankii jimcihii ka dhacay mowlaca waxaa u badan tahay inay ogyihiin laakiin heshiisku yahay Xasan ma ila ridnaa ninkii soo bixi doona yeelkiise.
In hoosta la iska sakiimeyn doono waxaa kuugu daliila sidii teeramkii hore dhacdayba sidaan oo kale mushariiintu tan iyo saciid danigii Puntland waxaa heshiis lagu ahaa kaliya aan ridno Madaxweynaha kadibna maanta waa la ogyahay halka Saciid Deni iyo Xasan kala joogaan.
Sidaas oo kale xarfaanta maanta ku shireysa mowlaca Macalin Nuur inkastoo mowlicii hore uusan ahayn hadana siyaasi kasta sakiintiisa ayuu hoosta ka wataa.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM