Siyaasiga reer Waqooyia Soomaaliya Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaayay maxaabiis maanta reer Puntland u soo daayeen reer Somaliland ayaa fariin mahad celin ah usoo direy Maamulka Puntland.
fariinta oo hab qoraalkeeda lala yaabay ayaa waxaa ka mid ahaa inuu u mahadce;inayo madaxda maamulka Puntland ,shacabkooda iyo dumarkooda.
Faysal oo qoraalkiisa aflagaado u badna ayaa amaan kala dul dhacay maamulka Puntland oo uu xitaa u quuri waayay puntland inuu ugu yeero isagoo ka door biday inuu maamulka Garowe ugu yeero.
“waxaan u mahad celinayaa madaxda maamulka Garowe iyo shacbigooda siiba dumarkooda”ayuu yiri Siyaasiga Faysal Cali Waraabe ee sanad kasta isasoo sharaxa islamarkaaana aan waligiisna marna ku guuleysan xilka u sareeya maamulka Somaliland.
Qoraalka Faysal ayaa sidan u qornaa:-