HomeCiyaarahaGravenberch oo markii ugu horreysay ka hadlay imaanshaha Frimpong ee Liverpool

Gravenberch oo markii ugu horreysay ka hadlay imaanshaha Frimpong ee Liverpool

XIGASHO LAACIB.NET

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool, Ryan Gravenberch, ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee ka falceliya saxiixa Jeremie Frimpong oo kooxda kaga yimid Bayer Leverkusen.

“Waa saaxiibkay, markaa aad baan ugu faraxsanahay inuu nagu soo biiray,” ayuu yiri Gravenberch oo ka hadlayay laacibka ay isku xulka yihiin ee Netherlands.

“Waa ciyaaryahan aad u fiican, waxaan hubaa inuu wax weyn ku soo kordhin doono kooxda. Aniga, Cody Gakpo iyo Virgil van Dijk ayaan FaceTime la yeelanay, aadna waan ugu faraxsanahay.”

Gravenberch ayaa sheegay in Frimpong aan lasoo hadal qaadin, balse uu mar horeba diyaar u ahaa inuu yimaado Liverpool:

“Maya, ma u malaynayo in la qanciyay. Waxaan filayaa inuu muddo dheer rabay inuu yimaado!”

Imaanshaha Frimpong ayaa sii xoojinaya saameynta ciyaartoyda Dutch-ka ah ee Liverpool, iyadoo kooxda uu xilli ciyaareedka soo socda hogaamin doono Arne Slot oo isaguna kasoo jeeda Netherlands. Waxaa haatan kooxda ku sugan afar ciyaartoy oo Dutch ah: Frimpong, Gravenberch, Van Dijk, iyo Gakpo.No description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -