Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo maalmihii lasoo dhaafay safar shaqo ugu maqnaa dalka Kenya ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxaana Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho kusoo dhoweeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS inta uu joogay dalka Kenya waxaa uu ka qeybgalay kulankii 17-aad Guddoomiyaasha Baarlamaanada wadamada ku bahoobay Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa (EAC) kaasoo lagu qabtay Magaaladda Nairobi ee dalkaasi.
May be an image of 9 people and aircraftMay be an image of 6 peopleMay be an image of 3 peopleMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 1 person, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here