JANAALE (DAYNIILE.COM)-War ka soo baxay Taliska Ciidamada Xooga Dalka Somalia ayaa lagu shaaciyay howlgal qorsheysan oo ciidamada Xoogu ka fuliyeen tuulooyin hoos taga deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellaha hoose halkaasoo ay fariisin ku lahaayeen kooxda Alshabaab.

Warka Dowlada waxaa lagu cadeeyay in howlgalkaasi ay fuliyeen
Ciidamada Milatariga Ururada 66-aad iyo 83-aad, guutada 14-ka October.

Ciidamada waxaa la sheegay inay burburiyeen fariisin xoogaga Alshabaab ku lahaayeen tuulooyinkaasi kadib dagaal saacado qaatay oo ay la galeen dagaalamayaasha xili dadka deegaanku soo wariyeen inay ka war heleen rasaasta oo is qabsatay.
Tuulooyinka Howlgalka sida gaarka ah looga fuliyay waxaa ka mida Sarcad, Buulo-arundi, beeraha baay iyo Siigaale,dagaalka ayaana la sheegay inuu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray labada dhinac.
Howlgalkaan waxaa sidoo kale Ciidamadu ku bartilmameedsadeen kuna burburiyeen kuna gubeen dooman ay Alshabaab u adeegsan jireen gudbinta qaraxyda iyo daabulida ciidamadooda sida saraakiisha Dowladu sheegeen.
Saraakiisha Dowladu waxay shegeen inay maleeshiyaad badan oo alshabaab kyu dileen howlgakaasi.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
No photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here