Wararka laga helaayo Deegaanka Camaara ee Gobolka Muddug oo shalay laga saaray dagaalyahanada Alshabaab ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ay maalintii labaad ka wadaan howlo baaris ah.

Howlgaladaani ayaa ah miina baaris iyo waliba hubinta amaanka deegaanka Camaara iyo meelaha ku dhaw si looga hor tago qaraxyo laga cabsi qabo inay Alshabaab uga tageen deegaankaasi.

Advertisement

Wararka waxay intaasi ku darayaan inay Ciidamadu isku dhinac wadaan inay difaacana xirtaan sidaas oo kalana deegaanka ka nadiidfiyaan hadii miinooyin lagu aasay,

Xaafadaha ku yaal deegaanka ayay ciidamadu mid mid u baarayaan si ay xitaa guryaha isaga hubiyaan.

Magaalada Bacaadweyne oo 2 maalin ka hor iyadana laga saaray Alshabaab ayaa la soo sheegayaa inay xaaladeedu degan tahay islamarkana ciidamadu ka feejigan yihiin in weerar rogal celis uu kaga yimaado Alshabaab.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here