MEIZHOU (DAYNIILE.COM)-Dalka Shiinaha waxaa laga soo sheegayaa inuu ka da’ay roobab roobab wadooyinka qaar jaray gaar ahaan gobolka Guangdong ee koonfurta dalkaasi.

Ugu yaraan 48 qof ayaa ku dhintay ka dib markii uu dumay qayb ka mid ah jidka isku xidha magaalada Meizhou iyo degmada Dabu ee gobolka Guangdong, sida uu sheegay Ma Zhengyong, xoghayaha xisbiga shuuciga ee magaalada Meizhou.

Advertisement

Telefishinka dowladda ee CCTV ayaa shaaciyay Jimcihii oo kaliya in 38 qof oo kale la xaqiijiyay inay ku dhinteen magaalada Meizhou.

Jid weyn ayaa ku burburay koonfurta Shiinaha  ka dib maalmo roobab mahiigaan ah, oo gawaadhida ku soo dumay meel buur ah oo ay ku dhinteen tobanaan qof.

Ilaa 23 baabuur ayaa la soo helay iyadoo hawsha samatabbixintu ay socoto Khamiista, halka 30 qof oo dhaawac ah ay weli isbitaalka ku jiraan xaaladdooduna wanaagsan tahay, sida uu sheegay CCTV.

Maamulka gobolka Guangdong ayaa soo diray koox samatabixin ah oo ka kooban ilaa 500 oo qof, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

In ka badan 184 mitir oo laba jibbaaran oo jidka weyn ah ayaa burburay, sida ay mas’uuliyiintu u sheegeen wakaaladda wararka dawladda ee Xinhua.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

SOURCE CCN

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here