HomeWarkiiKumaandooska Danab oo soo bandhigay hub ay ka furteen Alshabaab+SAWIRRO

Kumaandooska Danab oo soo bandhigay hub ay ka furteen Alshabaab+SAWIRRO

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab, ayaa gobolka Jubbada Hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta oo saacadihii lasoo dhaafay, ee lagu laayey howlgallo ay ka fuliyeen deegaanka Barjaale oo hoos taga degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalkaas ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay inay dileen in ka badan 40 Khawaarij ah, ayna noloshana ay ku qabteen xubno ay ku jiraan horjoogayaal, iyagoo soo bandhigay sawirrada meydadka dhagarqabayaashii la dilay iyo godadkii ay galeen oo lagu burburiyey.
Sidoo kale, Saraakiisha ayaa noo sheegay in howlgalladu ay weli socdaan oo ay sii baacsanayaan firxadka Khawaarijta, isla markaana ay ka saareen deegaano muhiim ah oo hadda ay ku sugan yihiin Ciidamada Danab ee xoogga dalka.
In ka badan 120 Khawaarij ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay lagu dilay howlgallada dalka ka socda, kuwaas oo lagu beegsaday gobollada Hiiraan, Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, weli waxaa goobihii lagu laayey ka socda baacsiga firxadka Khawaarijta.May be an image of 2 people and textMay be an image of jeep and textNo photo description available.May be an image of textNo photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -