HomeWarkiiMa cadaadis mise hab raac sharci, maxaa lagu fasiray go'aanka ka soo...

Ma cadaadis mise hab raac sharci, maxaa lagu fasiray go’aanka ka soo baxay guddoomiye Aadan Madoobe?

=XIGASHO BBC SOMALI=Tiro badan oo ka mida mudayaasha golohaas ayaa si cad ugu horyimi tallaabada guddoomiyaha.

Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacbaka ee barlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu sheegay in kurisiga sumadiisu tahay HOP120 uu guddoomiyuhu dib ugu celiyey guddiga Xeer-hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanadda ee golohaas si ay ugu tala bixiyaan dibna Golaha ugu soo celiyaan.

Kursigaas HOP120 oo ku fadhiyo xildhibaan Cabdilaahi Xaashi Abiib ayaa warqad uu soo saaray isla guddoomiye Aadan Madoobe 15 maarso lagu sheegay in xubinimadii looga qaaday xildhibaankaas ka dib sida qoraalka lagu sheegay markii uu soo xaadiri waayey fadhiyada golaha.

Tiro badan oo ka mida mudayaasha golohaas ayaa si cad uga horyimi tallaabada guddoomiyaha iyagoo ku tilmamay inay tahay “mid sharciga baalmarsan oo aan loo marin habraacii saxda ahaa”

Ilaa xilligaas xildhibaanada ka soo horjeeda tallaabadaas ayaa si isdaba jooga ugu hadlayey ilaa ay mar dambe tiro xildhibaan ah oo gaaraya boqol sida ay sheegteen ay ku dhawaaqeen mooshin ka dhan ah guddoomiyaha Goloha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe. Dadka la socdo arrintaasi ayaa isku xiriirinaya mooshinkaas iyo baaqasho ku yimid fadhiyada baarlamaanka inkastoo aysan BBC-du si madaxbannaan u xaqiijin karin.

Habdhowraha golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in guddoomiyaha uu garowdsay tabasho ay soo jeediyeen xildhibaanadu oo ahayd in habraacii uusan soo marin taasoo ahayd inaan la soo marin guddiga xeer-hoosaadka ka dibna uu u diray guddiga hadda.

Ka dib qoraalka, xildhibaano sheegay inay yihiin kuwa abaabulay mooshinka ka dhana guddoomiyaha golaha shacabkaa ayaa saxaafada kula hadlay Muqdisho iyagoo ka horyimi warqada ka soo baxay guddoomiyaha ee ku saabsan kiiska xildhibaab Cabdillaahi Xaashi Abiib.

Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab), oo akhriyey war-saxaafadeedka xildhibaanada ayaa sheegay in khaladaad ku jiray warqadaasi.

“Waxaa noo soo baxday khaladaadka ku jiray, In uusan guddoomiyaha si toosa ugu laaban go’aankii maamul ee sharci daradda ahaa ee uu yiri waxaan xubinimada ka xayuubinay xildhibaan Dr Abiib 15-kii maarso, waxay ahayd inuu soo saaro go’aan maamul oo uu uga noqonayo warqadii sharci daradda ahayd oo uu ku saxiixan yahay lehna tixraac la raaco, annagoo ah xildhibaanadii saxiixay mooshinka waxaan cadaynaynaa in warsaxaafaeedkii ka soo baxay guddoonka golaha shacabka aynan ku qanacsanayn, mooshinkii guddoomiyaha ee xil ka xayuubintana sidii u taagan yahay”, ayuu yiri xildhibaan Carab oo war-saxafaeedka akhriyey.

Ma cadaaadis mise hab sharci ayaa sababay ka laabashada warqadii horeMaxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya

Sida uu BBC-da u sheegay Maxamed Mukhtaar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya, in guddoomiyuhu ka laabto go’aankiisii ayuu qaba inay keentay cadaadiska soo kordhay.

“Tallaabada uu qaaday guddomiyaha markii horeba waxay lahayd mid sharci iyo mid siyaasadeed, mid waxay tahay waxaa uu dastuurka ka qabo xildhibaanada iyo sida loola dhaqmo, midna waxay tahay habraaca baarlamaanka dhexdiisa isku maamulo, midna waxay tahay habdhaqanka ka dhaxeeya barlamaanka gudihiisa intaa waa qayb ka mida sharciga, dhinaca kale waa khilaafka siyaaseedka ee ay keeni karto marka guddomiye xilka ka qaado xildhibaan, marka waxa moodaa labadaas oo is kaashaday inuu guddoomiyuhu ka laabto,” ayuu yiri Maxamed Mukhtaar.

Mukhtaar, wuxuu intaa raaciyey insayna qarsoonayn inuu culays ka jiray arrintas iyo in fadhiyo baarlamaanka oo baaqday ay taasi tahay culays siyaasadeed.

Dhanka kale habdhowraha golaha Shacabka Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux, oo BBC-da la hadlay ayaa meesha ka saaray in warqada ka soo baxay guddooomiyaha aysan ku imaan cadaadis la xiriira mooshinka ay ku dhawaqeen xildhibaano ka tirsan golahaas uusana jirin mooshin soo gaaray iyaga.

Sida Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabku ku waayi karo xubinimadiisa

Sida ku cad xeer-hoosaadka baarlamaanka qodobka 8-aad, xubinimada barlamaanka waxaa lagu limin kaaraa dhowrkan qodob.

  • Xubinta oo geeriyoota.
  • Xubinta oo ay la soo gudboonaato xaalad xil-gudasho la’aaneed oo joogto ah.
  • Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana ogolaado.
  • Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
  • Haddii ay xubintu aqbasho xil dawladeed aan wasiir ka ahayn.
  • Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, si waafaqsan sharciga.

Prof Maxamed Cumar Dalxa, oo mudda dheer horrey uga tirsanaa golaha shacabka soona qabtay xilka gudoomiye ku xigeenka kowaad ee golahaas, ayaa BBC-da u sheegay in xafiiska barlamaanka oo la socda howlaha ay u gudbiyaan sabab ka mida qodobadas kore ay la wadaagayan guddoonka markaasna guddoonka u gudbinayo guddiga xeer hoosaadka, daryeelka, anshaxa iyo xasaanadda barlamanaka si ay tallo ugu soo bixiyana kadibna ay ku soo celiyaan gole weynaha ka dibna loo bandhigo golaha sida qodobka 59-aad ee dastuurka dalku uu qabo.

Xiisadda ka dhex oogan xildhibaanada golaha shacabka qaarkood iyo guddoonka ayaa ah mid taagan xiili uusan sidoo kale wali dib u furmin fadhigii golohaas.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sanadkii yeesha labo Kalfadhi oo kiiba socdo muddo afar bilood ah taas oo macnaheedu yahay in golayaashu siddeed bilood ay sanadkii yeeshaan labada kalfadhi iyo fadhiyo halka ay afar bilood fasax yihiin.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Baarlamaanka Soomaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -