GAROWE (DAYNIILE.COM)-War Saaka ka soo baxay Maamul Goboleedka Puntland ayaa si weyn loogu beeniyay War ka soo baxay shalay dhanka Dowlada Somalia.

Wasaarada Warfaafinta Puntland oo warkaan soo saartay ayaa wax kama jiraan ka soo qaaday warka Dowlada ee sheegayay in Ciidamada Qaranku howlgalo Alshabaab la dirir ah ah ka fuliyeen deegaanka Calmadow ee Puntland.

Advertisement

“Puntland amnigeeda iyadaa ka shaqeysa, waxaana deegaanada Calmadow ku sugan ciidanka difaaca Puntland sidaas daraadeed ma jirto wax ciidamo Qaranku leeyahahay ah oo ka howl-gala ama ku sugan deegaanada Maamulka puntland”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Puntland.

Warka ka soo baxay Maamul Goboleedka Puntland waxaa lagu soo xirey inay  u taagan yihiin cirib-tirka kooxda Alshbaab.

XAFIISKA WARARKA

DAYKIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here