GAROWE (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid C/laahi Dani oo ka hadlaayay munaasabad lagu xusayay maalinta degaanka ayaa si adag uga hadlay, isagoona xusay inay la dagaalami doonaan wax kasta oo deegaanka dhibaato u keeni kara.

Saciid Dani ayaa si loo bad-baadiyo deegaanka wuxuu mamnuucay wixii hada ka danbeeya inaan Puntland  ganacsiga loo keeni karin bacaha si xoolaha iyo geedahaba loo bad-baadiyo.

Advertisement

Sacidi Dani wuxuu ku amray Hay’adaha amaanka guud ahaan gaar ahaan kuwa Booliiska inay talaabo ka qaadaan cid kasta oo bacahaasi dekada ama dalalka dariska ka keenta.

“waa in la soo nooleeyaa xeerarkii iyo khawaaniintii ku aadanaa ilaalinta deeganka”ayuu yiri Saciid Dani

Madaxweynaha maamulka Puntland wuxuu soo hadal qaaday in Dekada Boosaasoo ka mid tahay meelaha bacaha ay ka soo degaan iyo waliba dalalka dariska oo uu sheegay in si tahriib oo kale ah looga soo geliyo bacaha.

Saciid Dani wuxuu Ciidamada faray in dhamaan dekada Boosaaso iyo dalalka dariska intabna sheegay inay mamnuuc tahay in baco laga soo geliyo,wuxuu ku amray ciidamada in talaabo laga qaado qofkii lagu helo isagoo bac soo gelinaya Puntland.

“xoolaha aan sucuudiga u iibgeyno waad ogtihiin in mar nalooga joojiyay cudur yar oo bacaha ka yimid ,ogaada in hadii nalagu helo in xoolaheenu baca cunaan inaan cidina cuneyn hilibka xoolaheena”ayuu yiri Saciid Dani oo dhuxusha la shito iyo dhoofinteeda xitaa soo hadal qaaday kuwaasoo dhamaantood ka hor imaanaya xeerarka lagu ilaaliyo deegaanka.

“xoolaheena markii geedihiina laga jaray bacana dalka dibadiisa looga keenay way ku qasbanaadeen inay bacaha cunaan waana kiimiko halis ah ku ah xoolaheena iyo geedahena”ayuu mar kale yiri Saciid Dani

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Saciid Deni oo ku eedeyay Somaliland in ay Puntland duullaan ku tahay –  Goobjoog

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here