Maxaas (dayniiile.com)-Ciidamo badan oo ka tirsan Macawisleyda bariga Hiiraan ayaa la soo sheegayaa inay dhaq dhaqaaqyadii ugu danbeeyay ka wadaan deegaano ku dhaw Magaalada Maxaas.
Ciidamadaan oo garab ka helaya kuwa milatariga Dowlada Soomaaliya ayaa saacadaha soo socda waxaa lagu wadaa inay weerar ku qaadaan Alshabaabka ku sugan deegaanada dhaca xadka Gobolada Hiiraan iyo Galgaduud.
Ciidamo dheeraad ah ayaa la sheegay inay soo gaareen ciidamadaan macawisleyda oo ku sgan deegaanka Goobo oo ku dhaw Degmada Maxaas.
dhawaan Cali Jeyte ayaa saxaafada u xaqiijiyay inay is diyaariyeen islamarkaana ay xoreyn doonan deegaanada ay Alshabaab kaga sugan yihiin xadka Hiiraan iyo Galgaduud si loo dar dar geliyo qorshaha madaxweyne Xasan ee ah in la soo afjaro wajiga koowaad ee dagaalka loona wajaho wajiga labaad ee dagaalka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM