AADAN-YABAAL (DAYNIILE.COM)- Macwisleyda Beesha Xawaadle oo u dagaalama si ka duwan sida beelaha kale iyo ciidamada Xooga u dagaalamaan ayaa waxay aag cusub ka fureen Degmada Aadan Yabaal oo Alshabaabku dhawaan ka qabsadeen ciidamada Dowlada iyo macawisleyda Abgaal oo iskaashanaya.
Dagaalkii shalay Xawaadle iyo Alshabaab ku dhexmaray duleedka Aadan Yabaal wuxuu ahaa mid ka mida dagaalada ugu culus ee waqtiyadaan danbe dhexmara labada dhinac,waxaana dagaalkii shalay ku dhintay labada dhinac dad ka badan 30 ruux sida warar an la xaqiijin ay warinayaan.
Qorshaha Xawaadle ayaa ah mar kasta inay Alshabaabka ku mashquuliyaan meelaha ay heystaan halkii ay iyaga xawaalde weerari lahaayeen taasoo guulo badan dhaxalsiisay macawisleyda beesha Xawaadle.
Wararka ku dhaw dhaw macawisleydaan ayaa sheegaya inay saaka ku raja weyn yihiin inay Aadan Yabaal ka saaraan Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM