BUULA-BURDE (DAYNIILE.COM)-Ciidamada macawisleyda Beesha Xawaadle ayaa mar kale bilaabay isku day ay ku doonayan inay Alshabaab kaga saarayaan deegaanka Abooreey oo dhaca duleedka Magaalada Buulo-burde ee Gobolka Hiiraan.
Ciidamada ayaa saaka laba jiho waxay ka weerareen deegaanka Aboorey oo Alshabaab sal dhigyeen iyadoo mudo laba bilood ah laga saari la’yahay iyadoo wararka qaar sheegayaan in hogaanka alshabaab istaraatiiji u tahay Deegaanka Abooreey taasoo keeneysa inay ku mintidaan.
Qaar ka mida saraakiisha hor kaceysa ciidamada macawisleyda ayaa laga soo xigtay in weerarkooda saaka ay ku doonayaan inay horumaro ka sameeyaan si alshabaab ay ugu cadaadiyaan inay ka baxaan deegaanka Abooreey.
Dagaalkaan saaka alshabaab iyo macawisleyda Xawaadle wixii ka soo kordha wararkeena soo aadan ayaad kaga socon kartaan insha Allah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM