HomeWarkiiMadaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay dharbaaxada Xaaskiisu ku dhufatay 

Madaxweynaha Faransiiska oo ka hadlay dharbaaxada Xaaskiisu ku dhufatay 

PARIS (DAYNIILE.COM)-Kadib muuqaal shalay qabsaday baraha bulshada kaasoo u ekaa in xaaska Madaxweynaha Faransiiska ay dharbaaxday odeyga xili ay caga dhigteen Hanoi, Vietnam fiidnimadii habeen hore ayaa waxaa ka hadlay Dowlada faransiiska.

Inkastoo baraha bulshada iyo warbaahinta qaar badan u fasireen in  xaasku dharbaaxday Madaxweynaha ayaa hadan Dowladu waxay cadeysay in dhacdada sida loo shaaciyay ahayn balse waxa la arkay ahaayeen kaftan dhexmarayay Madaxweynaha iyo xaaskiisa

Muuqaalka marka si fiican aad u aagto waxaa muuqanaya in xaasku ay wejiga gacanta uga riixday Madaxweyne Emmanuel Macron oo ah nibkeeda.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa markii hore u muuqday mid naxay sida BBC lagu shaaciyay laakiin uu si deg deg ah isu soo ururiyay oo uu ugu sgacan-haatiyay kamaradaha hoos yaallay.

Madaxweynaha laftigiisa Emmanuel Macron ayaa ugu dambeyn ka hadlay waerkaani dunida oo dhan ku faafay wuxuuna sheegay inay “kaftamayeen oo kaliya isaga iyo xaaskiisa.

“waan kaftameynay aniga iyo xaaskeyga sida aan mar walba samayno”ayuu yiri Emmanuel Macron

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -