Dhuusa-Mareeb (dayniiile.com)- Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta dib ugu soo laabtaty Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug kadib safar shaqo uu ugu maqnaa Caasimada Dalka ee Muqdisho.

Xubno ka tirsan Wasiirada iyo Xildhibaanada Galmudug   ayaa garoonka diyaaradaha Dhuusa-mareeb ku soo dhaweeyeen    Madaxweynaha iyadoo loo dhigay roog cas.

Advertisement

Madaxweyne Qoor-Qoor ayaa xamar wuxuu u safray markii uu dhacay qaraxii deegaanka Laas-gacameey iyadoo markaas aad loo hadal hayay in Madaxweybe Qoor Qoor iyo Xildhibaanada kala ah C/salaan Dhaban-cad iyo C/qeybdiid inay dhamaantood dhaawacan yihiin sidaasna Xamar loogu qaaday.

Saacado kadib waxaa saxaafada ka soo muuqday Xildhibaan Dhabancad oo gacanta ka dhaawacan,iyadoo mar kale hadana baraha bulshada iyo warbaahintu hadana bilaabeen inay dhahaan Qoor Qoor iyo C/qeybdiid baa dhaawaca walow loo badinaayay Xildhinaam C/qeybdiid .

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale  waxay warar kale sheegeen in dalka dibadiisa loo dhoofiyay madaama uu daran yahay inkastoo dhamaan wararkaasi aaney madaxda Gakmudug wali si fiican uga hadlin.

 

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

May be an image of 10 people and dais
May be an image of 5 people, aircraft and text that says "mila"May be an image of 6 people and text
May be an image of 12 people, suit and wedding

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here