Madaxweynaha Kenya William Ruto oo dhawaan Washington kula kulmay Madaxweynaha Mareykanka Biden ayaa ka hadlay arimaha amniga Somalia si gaar ah ciidamada Kenya ee magaca  Atmis ee ku jooga  Somalia iyo shaqada ay ka hayaan.

Madaxweynaha Kenya oo raba in ciidamadoodu sii joogaan Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Mareykanka u sheegay in Dowlada Somalia isku filneyn ciidan ahaan marka la eego dagaal-yahanada Alshabaab.

Advertisement

Ruto wuxuu sheegay in kooxda Al-Shabaab ay qabsan doonaan Soomaaliya, haddii ciidammada ATMIS ay ka baxaan xili alshabaab xitaa gudaha Kenya ka dagaalamaan.

Madaxweynaha Kenya wuxuu sidoo kale  ku baaqay in Washington ay u istaagto sidii looga hortagi lahaa dhicitaanka wax ku sheegay xaalad la mida tii afgaanistaan oo markii Mareykanku baxay ay dib u qabsadaan dalkaasi daalibaan.

“Markaan Mareykanka u soo socday waxaan xiriir la sameeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, waxaa heysata mushkilad dhanka amniga ah,maxaa yeelay dhimista Ciidamada ATMIS waa mid ku saleysan keliya jadwalka bixitaabnkooda, ee aan ku saleysneyn shruudihii [loo baahnaa”ayuu yiri Ruto.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here