Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya Mudane Cali Cabdi Maxamed, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha JFS Dahabo Suusow Maxamuud & Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Maxamed Cali Xagaa ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti ahna xubin ka tirsan Golaha FIFA, Mudane Suleiman Hassan Waabari oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya.
Booqashadan ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee xubin ka tirsan Golaha FIFA uu dalka yimaado isagoo xilka haya, waxeyna ku timid kadib markii Xiriirka Kubadda Cagta uu martiqaad rasmi ah u fidiyay Mudane Suleiman Wabari.
Soo Dhaweynta heerka sare ee loo sameeyay Suleiman Waabari waxaa qeyb ka ahaa: Madaxweyne Ku Xigeenada XKCS, Xubnaha Guddiga Fulinta, Xoghayaha Guud ee XKCS, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maamulka Ciyaaraha Gobolka, Qaar ka mid ah Gudoomiyayaasha Kooxaha Dalka & Xubno ka tirsan Shaqaalaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya.
Ururka Haweenka Gobolka Banaadir oo ay hogaamineyso Jawaahir Maxamuud Jaamac “Baarqab” ayaa kaalin mug leh ka qaatay soo dhaweynta, sidoo kale Barbaarta Gaashaaman ayaa ciyaaraha dhaqanka kusoo bandhigay goobta soo dhaweynta.
Ma ahan markii ugu horreysay Madaxweyne Suleiman Wabari uu dalka yimaado, balse waa markii ugu horreysay uu yimaado isagoo ka tirsan Golaha FIFA oo ka mid ah darajooyinka ugu sarreeya kubadda cagta dunida.
Mudane Suleiman Hassan Waabari waxaa si weyn loogu xusuustaa kaalintiisa muuqata ee uu mar walba ku garab taagnaa horumarinta kubadda cagta Soomaaliya, isagoo door muhiim ah ka qaatay dhiirrigelinta wada-shaqeynta labada xiriir, taageeridda mashaariicda horumarineed, iyo kor u qaadista sumcadda ciyaaraha Soomaaliya ee heer gobol iyo mid caalami ah.



















