MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka qayb galay Munaasabadda Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May ayaa sheegay in dhalinyaradu doorka ugu muhiimsan kaga jiraan dhanka kasta.

Madaxweyne Xasan ayaa ka sheekeeyay waqtiyadii adkaa ee dalku soo maray kadib inay dhalinyaradu hada door fiican qaadanayaan, wuxuu xusay in tirada ugu badan bulshada Soomaaliyeed ay dhalin yaro yihiin.
“hadii dhalinyarada hore loogu dhaliili jirey inay dalka burburiyeen hadana iyagaa naftooda u hura inay dalka dib u dhisaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan.

Sidoo kale wuxuu ka dalbaday dhalinyarada Soomaaliyeed inay markale u istaagaan difaaca iyo dib u xoreynta dalkooda.

Advertisement
Madaxweynaha mar uu ka sheekeynayay dhalinyaradii xoriyada Somalia  ee SYL ayuu tilmaamay inay ku sifoobeen isku duubnida, dhabar adayga iyo ka fogaanta qabyaaladda.
“Dhalinyaradii SYL waxay xaqiijiyeen hiigsiga shacabka Soomaaliyeed iyo taabagalinta dal xor ah iyo dowlad shacabkeeda ay ku faanaan” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 5 peopleMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 3 people, lighting, table and daisMay be an image of 4 people, newsroom, dais and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 13 people, table and daisMay be an image of 10 people, dais and textMay be an image of 2 people, table and daisMay be an image of 10 people and textMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 1 person, table and daisMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 6 people and tableMay be an image of 4 people, table and daisMay be an image of 1 person

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here