Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa iyada oo laga duulayo dib u habeynta iyo dardargalinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya waxa uu Xeer Madaxweyne ku soo saaray Talisyo cusub oo lagu soo biiriyey Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo kala ah, Taliska Ciidanka Gaarka ah ee CXDS, Taliska Tababarada CXDS, Taliska Sahanka & Wardoonka CXDS, iyo Taliska Taakulada Guud ee CXD.

Talisyadan ayaa waxaa loo kala magacaabay S/Guuto Axmed Cadullaahi Sheikh (Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah) G/Sare Axmed Ciise Axmed (Taliyaha Taliska Tababaradda), G/Dhexe Axmed Cabdulaahi Nuur Beeryare (Taliyaha Taliska Sahanka & Wardoonka), G/Dhexe Ibraahim Maxamed Maxamuud (Taliska Taakulada Guud ee CXDS).

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay in ay halkaas ka sii amba-qaadaan dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada, isagoo xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka.
May be an image of ‎1 person and ‎text that says "‎O ار ហប * MASTYS ME DEFENBE DEFENSE SOMALUA G/DHEXE IBRAAHIM MAXAMED MAXAMUUD TALIYAHA TALISKA TAAKULADA GUUD EE CXDS 보번 MINISTRY MINISTRYOFDEFENCE, OF DEFENCE, COMMUNICATIONS OFFICE Comms@mod.gov.so‎"‎‎May be an image of 1 person and text that says "地海 អ * សម DEFENSE CES G/DHEXE AXMED CABDULAAHI NUUR BEERYARE TALIYAHA TALISKA SAHANKA & WARDOONKA CXDS 스코 MINISTRY OF DEFENCE, COMMUNICATIONS OFFICE Comms@mod.gov.so"May be an image of 1 person and textMay be an image of 1 person and text that says "የያሮንኒኔ ហប * ME DEFENSE Ta ENSCO @LOA G/SARE AXMED CIISE AXMED TALIYAHA TALIYAHA TALISKA TABABARADDA 短 MINISTRY MINISTRYOFDEFENCE, OF DEFENCE, COMMUNICATIONS OFFICE Comms@mod.gov.so"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here