MUQDISHO (DAYNIIE.COM)-Madaxweyne ku xigeenka SSC-Khaatumo ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Somalia.
Masuulkaan oo dalka dibadiisa safar shaqo uga yimid ayaa waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan Dawlada Dowlada Faderaalka Soomaaliya waliba xubno SSC-Khaatumo ka tirsan.
Masuulkaan waxaa lagu wadaa inuu Muqdisho kula kulmi doono masuuliyiin ka tirsan Dowlada Somalia ka hor inta uusan u safrin Magaalada Laas-caanood ee xarunta Maamulka Khaatumo.
Dhanka kale imaanshaha Muqdisho ee Madaxweyne ku xigeenka SSC-Khaatumo waxay ku soo aadeysaa xili uu hore ugu sugnaa Magaalada Madaxweynaha maamulkaasi C/qaadir Firdhiye oo u yimid ka qeybgalka shirkii Golaha wada-taashiga Qara iyo shaacinta xisbiga Cadaalada iyo wada-jirka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM






DAYNIILE.COM






