Bardaale (dayniiile.com)-Sida ay sheegtay warbaahinta Dowlada waxaa roobab waaweyn ay ka da’een magaalada Bardaale ee Gobolka Bay kaasoo sababay in isbadal uu mar kaliya ku yimaado xaafadaha,guryaha iyo wadooyinka magaaladaasi.

Roobabkaan waxay sababeen in Daadad xoog leh ay soo galaan  xaafadaha bardaale taasoo durba keentay barkac  ku yimid inta badan dadkii ku dhaqnaa Magaaladaani.

Advertisement

Sidoo kale roobabkaan waxay sababeen in guud ahaan ay istaagan isku socodka dadka,ganacsiga ,  korontada iyo adeegyadii la midka ahaa waxaana dhamaan lala xarbinayaa biyahaas sidii looga samatabixi lahaa.

Maamulka ayaa durba qeyla dhaan afka furtay iyagoo codsaday in gurmad lala soo gaaro shacabka ku dhaqan Degmada Bardaalle.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

May be an image of 9 people and body of waterMay be an image of 6 peopleMay be an image of 4 people and body of waterMay be an image of 10 people and body of water

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here