Caddalle (dayniiile.com)-Ciidamada Daraawiishta Booliska iyo kuwa Nabadsugida Qaranka ayaa wali waxay howlgalo ka wadaan deegaanada hoos taga Magaalada Xeebeedka Caddalle oo hore ay uga dhaceen dagaal beeleed si arxan daran la isaga laayay dad sidoo kalana la isaga gubay guryo,
Ciidamada Dowlada Somalia oo halkaasi la geeyay ayaa si xoojiyay Howlgaladooda dhanka amni xaqiijinta ahaa, iyagoona cagta soo mariyay inta badan deegaanadii lagu dagaalamay.
wararka ugu danbeeya ee aan ka heleyno howlgalada ayaa sheegaya in la soo qabqabtay tiro ka mida maleeshiyaadkii ku lugta lahaa dagaal beleedyada si sharciga loo hor keeno.Degaanada howlgalada laga sameeyay waxaa ka mida ah:-Cadow ‘uul xaaji<Geel-gub,Xaaji Cali,Ceel-Muluq, Ceelxaashi
Saraakiisha Ciidamadaan hogaamineysa waxaa ka mida:-
Jen.C/laahi Mirre oo ah Taliyaha ciidamada daraawiishta.
Dhame C/laahi yuusuf kheyre Taliyaha ururka 3aad ee daraawiishta. Dhame Xaashi Maxamuud Taliyaha Ururka 1aad.
Jen. Abuukar C/llaaahi Raagge abaanduuliyaha ciidamada darwaaiishta.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM