Col. Cabdi Aadan Barre oo ah sarkaal ka tirsanaa milatariga ayaa ka digey khatar amni oo sida uu sheegay Somalia ay la damacsan yihiin Dowladaha kenya iyo Mareykanka.

Korneelka wuxuu ku dhaliilay labadaan Dowladood inay qorsheynayaan fashilinta dadaalka amni ee Dowlada Somalia xili dagaal xoogan Dowladu kula jirto kooxda Alshabaab.

Advertisement

Warka sarkaalkaan hore ayaa daba socda war dhawaan ka soo baxay Madaxweynaha Kenya kaasoo ah in hadii Ciidamada Afrika ee ATMIS  ka baxaan Somalia ay Alshabaab qabsan doonaan guud ahaan Gobolada Soomaaliy

“Hadalka Ruto iyo caga jiidka Mareykanka ayaa muujinayo halka ay gaarsiisan tahay hagardaamada lagu hayo dowladda federaalka”ayuu Yiri Col. Cabdi Aadan Barre sida aan ka soo xiganay idaacada shabelle

Sarkaalkaan howlgbka ah wuxuu sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka inay iska ilaaliso khataraha amni oo ay Somalia la damacsanyihiin Mareykanka iyo Kenya.

“Ciidamada Somalia iyagaa isku filan mana loo baahna  ciidan shisheeye  kaliya waa in dhaqaalaha faraha badan ee lagu bixiyo ATMIS in la siiyo ciidamadeena”ayuu yiri Col Cabdi Aadan Barre.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here