HomeWarkiiMareykanka oo beeniyay inuu joojiyay dhaqaalihii uga baxayay howlgalada amni ee Somalia.

Mareykanka oo beeniyay inuu joojiyay dhaqaalihii uga baxayay howlgalada amni ee Somalia.

NEW YORK (DAYNIILE.OM)-Dowlada Mareykanka ayaa beenisay inay Somalia ka joojisay kaalmadii dhanka amniga ee ay ku bixin jirtay gaar ahaan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM.

War ka soo baxay aqalka sanatka Mareykanka ayaa lagu sheegay inay kaliya soo jeediyeen in lala qeybsado dhaqaalaha Somalia ku baxa balse aysan diidiin gabi ahaanba kaalmeynta Dowlada Somalia.

Warkan ka soo baxay Sanatarada Mareykanka ayaa si gaar ah mar kale loogu baaqay Midowga Yurub iyo Afrika inay qeybtooda ka qaataan bixinta qarashaaadka ku baxaya howlgalka AUSSOM.

“in mudo ah waxaan qaadnay culeys dhaqaale oo aan cadaalad ahayn,Somalia waxaan diyaar ula nahay wali inaan dhaqaale ku bixno amniga laakiin waa in Midowga Yurub iyo Afrika si siman noola qeysbsadaan dhaqaalaha”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Mareykanka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -