Dowlada Mareykanka ayaa Kenya u balan qaaday oo siineysa gaadiidka dagaalka ee gaashaaman iyo heylakobtaro iyagana nuuca dagaalka ah kadib kulan dhex maray labada Madaxweyne ee Kenya iyo Mareykanka.

Wararka ayaa tilmaanaya in Mareykanku Kenya siinayo 16 helicoptaro nuuca dagaalka ah iyo 150 gawaarida qafilan kuwaasoo wararka qaar sheegayaan inay yihiin kuwa duqoobay ee Ciidamada Mareykanku isticmaali jireen.

Advertisement

Diyaaradaha Heylakobtarka laftigooda ayaa la sheegay inay yihiin kuwa qadiimi ah waliba nuucii Mareykanku isticmaali jirey dagaalkii Vietnam 1969.

Sidoo kale Dowlada Mareykanka waxay u balan qaandeen Kenya inay ku dari doonaan program-ka loo yaqaan Operation Gallant Phoenix  oo mid ay dalal badan iska kaashadaan la dagaalanka waxa loo yaqaan kooxaha argagaxisada.

Mareykanka laftooda ayaa ka hadlay balanqaadkaan waxayna sheegeen inay ugu talo galeen gaadiidka iyo diyaaradahaba inay kenya u adeegsato dagaalka ay kula jirto kooxda Alshabaab.

Guud ahaan gaadiidka iyo helakobtarada Mareykanku  balanqaaday  waxaa la sheegay inay Kenya soo gaari doonaan inta u dhexeysa 2024 dhamaadkeeda iyo 2015.

Balanqaadka Mareykanka wuxuu ku soo aaday xili Maalmihii ugu dambeeyay Madaxweynaha Kenya uu booqasho ku joogay mareykanka xili uu kulamana la qaatay Madaxweynaha Dowlada  Mareykanka Jhon Biden.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here