HomeWarkiiMareykanka  oo si cad ugu sheegay Dowlada Somalia inay  la wareegto amniga...

Mareykanka  oo si cad ugu sheegay Dowlada Somalia inay  la wareegto amniga dalkeeda dhaqaale ahaan.

Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa luuqad adag kula hadlay Dowlada Faderaalak Soomaaliya markii ay u soo jeediyeen inay la wareegaan amnigooda dhaqaale ahaan.

Taliyaha Taliska ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jen. Michael Langley ayaa guud ahaan baaqaan u jeediyay dalalka Afrika ee Mareykanku ka kaalmeeyo dhaqaalaha iyo tababarada tasoo ku soo aadeysa xilli Mareykanku uu dhimayo deeqaha uu horay u bixin jiray.

Jen. Michael Langley oo hadalo ka jeedinayay shirkii Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca Afrika ee Nairobi lagu qabtay ayaa sheegay in Afrika isku tashato isagoona cad warkiisa ugu soo dhex daray in waxyaabo hore ay ugu qaban jireen Afrika ay hada dhici karto inay u qaban waayaan.

“Waxyaabo aan horey u qaban jirnay, waxaa dhici karta inaan hadda ka dib qaban doonin,” ayuu yiri Langley

Dowlada Mareykanka uga digtay Dowlada Somalia isku dayga Alshabaab ee ah inay ka faa’iideystaan doorkii Mareykanka ee meesha ka baxay sida maalgelinta ciidamada Somalia iyo tayeyntooda.

Dhanka kale Dowlada Mareykanka waxay sii wadi doontaa oo kaliya taageerada sirdoonka ,iyo sidoo kale ilaalinta danaha wadajirka ee labada dal.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

Wararka Maanta: Sabti, Apr 5 , 2025-AFRICOM: Mareykanka oo ballaarinaya  duqeymaha ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab Soomaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -