Waxaa soo baxaya warar aan la hubin oo sheegaya in  Mareykanku dileen C/.qaadir Muumin oo ahaa hogaamiyihii Daacish ee Somalia ka howlgala gaar ahaan deegaanada Puntland.

Sidoo kale waxaa jira warar sheegaya in C/qaadir Muumin uu dhawaan noqday Hogaamiyaha guud ee Daacish ka hor intaan la dilin.

Advertisement

Bayaan ka soo baxay Taliska Mareykanka ee AFRICOM hogaamiyaha Daacish C/qaadir Muumin waxay ku bartilmaameedsadeen weerar dhamaadkii bishii May ay ka fuliyeen deegaan ku dhaw magaalo xeebeedka Bosaaso ee Puntand waxaana fuliyayweerarka diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. 

Sidoo kale weerarkaasi oo dhacay 31-kii Bishii May waxaa lagu dilay sadex kale oo ka tirsanaa kooxda Daacihs-Somalia.

Ma jirto cadeyn rasmi ah oo cadeyneysa dhimashada C/qaadir Muumin sida Mareykanku laftigooda sheegeen, waxay xuseen kaliya in aagaga lagu yaqaanay ay dudeeyeen 31-lkii bishii May sanadkaan.

Si kastaba Hogaamiyihii hore ee Daacish Abu al-Hasan Al-Hashimi al-Qurashi ayaa la dilay sanadkii 2022-kii kadib dagaal ka dhacay Dalka Suuriya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here