Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 12-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS.

Guddoomiyaha ayaa kulanka waxaa ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Ajandaha kulanka oo ahaa akhrinta 1-aad ee Heshiiska Aasaasida Ciidanka Heeganka ah ee Bariga Afrika. Wasiirka Wasaaradda Gaashaanshiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jamac) oo ay Xildhibaannadu su’aalo ka weeydiiyeen sharcigaan la horkeenay fadhiga Golaha ayaa ka jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen Xildhibaanadda.

Advertisement

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo xiray fadhiga Golaha Shacabka ayaa Xoghayaha Golaha Shacabka ku amray in heshiiskaan uu ku wareejiyo guddiga ku shaqada leh ee Arrimaha Dibada oo kaashanaya Guddiga Difaaca Golaha Shacabka BJFS.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here