HomeWarkiiMaxaabiistii Puntland soo deysay oo Hargesa gaartay+SAWIRRO

Maxaabiistii Puntland soo deysay oo Hargesa gaartay+SAWIRRO

May be an image of 12 people and helicopterHARGEYSA (DAYNIILE.COM)-Maxaabiistioi reer Somaliland ee ay puntand soo deysay ayaa saacado kadib si nabad waxay ku gaareen Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland.

Maxaabiistaan oo maamulka Puntland uu ugu soo labisay nuuca suudka ayaa waxaa si weyn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Magaalada Hargeysa.

Boqor Buur-Madow ayaa Garoowe mar uu saaka tagay wuxuu aad ugu amaanay maamulka Puntland sida qurxoon ee ay labiseen maxaabista reer Somaliland inkastoo hadaladiisu u badnaayeen kuwa qabyaalad badan ay ka muuqatay iyo kala qeybinta Somaliweyn.

Boqor Buur-Mado ayaa saaka hore usii raacay maxaabiista reer Puntland ee ay sii daayeen reer Somaliland,wuxuuna la tagay Garowe isagoona hore usoo kaxeeyay maxaabiista reer Somaliland ee iyaguna ay reer Puntland soo daayeen.

Maxaabiis is dhaafsigaan ayaa imaanaya xili dhawaan uu Laas-caanood tagay Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi-Barre si uu u abooro jawigaan wuxuuna xabsiyada laas-caanood uu ka soo daayay maxaabiis reer Somaliland kadibna Hargeysa ayuu u direy inkastoo Muqdisho ay dhowr maalin ku nasteen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 16 peopleMay be an image of 12 people and helicopter

May be an image of 14 peopleMay be an image of 10 people and weddingMay be an image of 14 people and textMay be an image of 13 people and textMay be an image of 14 people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -