Kadib marka uu dhamaado sanadkaan 2024 islamarkaana ay baxaan sida qorshuhu yahay Ciidamada shisheeye ee magaca ATMIS ku joogaan waxaa is weydiin mudan see xaalka amnigu noqon doonaa,maxaase iska badeli kara.

Waxaa jira jawaabo lagu kala aragti duwan yahay tusaale markaan dulucda qormadeena ku soo koobno Maamul Goboleedyada Dalka ee 6-da ah marka laga reebo Maamulada puntland iyo Somaliland oo aysan kuba sugneyn ciidamo shisheeye.

Advertisement

Hadaba su’aasha ayaa ah maamulkee ka maarmi kara ciidamada shisheeye keese ku tiirsanaa ATMIS oo aan awoodi karin xitaa madaxdiisa inuu amnigooda  sugo.

Maamulada aan ka hadleyno waxay kala yihiin:-

1-Hirshabelle
2-Galmudug
3-Koonfur-Galbeed
4-Juballand

1- Maamulka Hirshabelle marka la eego ciidamada beelaha ee deegaankaasi u dhashay ha ahaadaan kuwa Milatariga  ee Dowlada u Somalia u liis gareysan iyo kuwa deegaanka ama macawisleyda  loogu yeero  iyo qaabkii ay u wajaheen dagaaladii Alshaabaab waxaan dhihi karnaa way ka maarmaan shisheeyaha wayna sii wadan karaan jiritaanka maamulkaasi iyo madaxdiisa.

2-Maamulka Jubaland sida laga war hayo malaha ciidamo beeleed iyo kuwo Dowladood oo isku aadisan islamarkaana awood u leh inay Amniga la wareegaan, mana ka maarmaan ciidamada Kenya sababtoo ah waxaa awood weyn ku leh gobolada Jubooyinka Kooxda Alshabaab, waxay noqon kartaa inay codsadaan in ciidamada Kenya iyo kuwa Itoobiya u sii joogaan ilaa iyo inta ay isaga filnaanayaan.

3-Maamulka Gal-mudug marka la eego ciidamada beelaha ee deegaankaasi u dhashay ha ahaadaan kuwa Milatariga  ee Dowlada u Somalia u liis gareysan iyo kuwa deegaanka ama macawisleyda  loogu yeero  iyo qaabkii ay u wajaheen dagaaladii Alshaabaab waxaan dhihi karnaa way ka maarmaan shisheeyaha wayna sii wadan karaan jiritaanka maamulkaasi iyo madaxdiisa.

4-Maamulka Koonfur-Galbeed ma laha ciidamo isku aadisan oo Faderaal ama mid beeleed intaba mana ka maarmaan ciidamada Itoobiyaanka oo sida la ogyahay inta xitaa madaxda amnigooda wax ka suga, ma jirto wax dagaalo waa weyn oo ay guulo waa weyn ka keneen ciidamada daraawiishta K/Galbeed.

Wasiirka Amniga Maamulka K/galbeed oo Titwrka qoraal soo dhigay saacadihii ugu dambeeyay ayaa si cad uga soo horjeestaya in Ciidamada Itoobya ka baxaan Daka Soomaliya kadib markii Dowladu dalbatay ,waxayna taasi cadeyneysaa isku kalsoonaan la’aanta reer Koonfur-galbeed iyo ineysan u diyaarsaneyn inay ka maarmaan ciidamada shisheeye.

WAXAA QOREY: WARIYE SUUUD-MAQAATE

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here