=XIGASHO BBC SOMALI=
Wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa soo saartay digniin dhanka socdaalka ah oo sheegeysa in aan loo safri karin Soomaaliya. Heerka digniinta ayaa ah mid aad u sareysa marka la fiiriyo numbarka la siiyay oo ah kan afaraad, sida ay qabaan qubarada amniga qaar.
Qoraal la so dhigay bogga wasaarada Arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay dhowr sababood in aan loo tagi karin Soomaaliya.
Dambiyada dhici kara oo ay ka digeen Mareykanka waxaa ka mid ah falal argagixiso, kacdoon shacab iyo afduub. Waxayna sheegeen in adeegyada loo baahnaa hadii ay waxaas dhacaan aysan u heli karin dadkooda.
Khataraha jira dartood ayey dowladda Mareykanka ka mamnuucday shaqaalaheeda ka shaqeeya gudaha Soomaaliya in aysan u safrin meel ka baxsan garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaas oo safaarada Mareykanka ay ku taal. Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa si caadi ah howlaheeda u wadataa.
Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda waxaa lagu sheegay falalka argagixiso ee dhici kara in ay yihiin afduub, qaraxyo iyo weeraro kale oo dhaca iyadoon wax digniin hore loo sii ogaa aysan jirin.
Goobaha bartlimaameedka noqon kara ee la sheegay waxaa ka mid ah garoomada diyaaradaha, dekadaha, dhismooyinka dowladda, hoteelada iyo goobaha kale ee guud.
Dadka walxaha qarxa isku soo xiro ayey dowladda Mareykanka ka digtay in ay noqon karaan kuwa qaraxyo geysta.
Waxay kaloo sheegeen Mareykanka in dibadbaxyada ka dhaca Soomaaliya ay mararka qaar isku baddelikaraan kuwa rabshado wata.
Dowladda Mareykanka waxay sheegtay in ay aad u xadidan tahay awoodeeda ay ku caawin karaan muwaadiniintooda jooga Soomaliya. Waxay sheegeen in uusan joogin qunsul joogto ah Soomaaliya iyo xitaa gobolada Somaliland. Waxay sheegeen hadii uu kaa lumo baasaboorkaada ama cilad gaarto, in aysan dowladda waxba kuu qaban karin sid aad u hesho baasaboor kale.
Adeegyada caafimaad ee Soomaaliya ayey sheegen in ay xadidan yihiin oo heerkoodu gaarsiisneen kuwa isbitaalada Mareykanka, sidaas darteed waxay kula taliyeen muwaadiniintooda in ay haystaan sahay caafimaad oo ku filan si hadii ay wax dhacana u isticmaalaan.
Waxay sidoo kale kula taliyeen muwaadiniitooda in ay la socdaan wararka ugu dambeeya ee gudaha dalka, isuna diyaariyaan in qorshadooda wax ka baddelaan. Sidoo kale waxay u sheegeen muwaadiniintooda ay sameystaan qorshe ay ku bixi karaan iskuna haleynin kaalmada dowladda Mareykanka.
Maxaa keenay xiligan digniinta Mareykanka?
Marka la fiiriyo dagaalada lagula jiro Al-shabaab iyo sida ay wax u socdaan ayuu sheegay Axmed Cabdulahi Kaboole oo arrimaha ammaanka ka faalooda in ay tahay sababta keentay digniinta.
“Saadaasha ay sameynayaan mustaqbalka khataraha ka imaan kara Al-shabaab ayaa sareyso” ayuu yiri Kaboole oo intaas ku daray “Daganaasho la’aanta siyaasadeed, meelo badan oo dowaldda gacanta ku haynin xogahaas oo dhan ayey urursadeen, taas iyagoo ku saleynaya ayaa la dhihi karaa dingniinahan way ka ymaadeen.
Dowlada Soomaaliya meelo badan way ka gaartay hurumar balse ma ahan mid gaarsiisan heer ku filan ay ku qancaan saxiibadooda caalamka.
“Guulaha ay dowladda gaartay ma ahan kuwa istaraatiiji ah ee waa kuwa bilow ah, mana ahan mid ay ku qancaan dalalka ammaanka iyo xuquuqda muwaadiniinta ilaaliya”.
Qoraalka Mareykanka ay soo saareen digniinaha ku jiray waxaa ka mid ah mid la xiriirta afduubka. Kaboole wuxuu sheegay in digniinta afduubka ay tahay mid laga baqayo Al-shabaab in ay wax afduubtaan.
“Afduubyada laga baqayo hadda ma ahan midka shacabka ee mid ka imaan kara Al-shabaab, sababtoo ah waxay bartilmaameed ka dhiganayaan dadka maalgashiga sameynaya” ayuu yiri Kaboole oo intaas ku daray in ay noqon karaan kuwa lagu gorgortamo.
“Afduubka la baqayo waa in Al-shabab ka faa’ideystaan muwadiinta Mareykanka ee ku sugan Muqdidsho iyo daafaheeda iyo shaqaalaha dhammaantood kaddibna ay la hayste ka dhigtaan si ay ugu gorgortamaan”.
=XIGASHO BBC SOMALI=