Wararka laga helaayo Magaalada Dooloow ee Gobolka Geddo ayaa sheegaya in halkaasi ay maanta isku farasaareen ciidamada Milatariga Dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya xili Ciiamada Itoobiya ku joogaan Ciida Soomaaliya magaca ATMIS.
Ciidamada Itoobiya oo aan xisaabta ku darsan in Soomaaliya soo kabaneyso ayaa si kibir leh waxay u xirteen bartamaha Magaalada Doolow walibana ay ciidamada Xoogga Soomaaliya isku dayeen inay wadada ka celiyaan taasoo keentay in si degdeg ah ay talaabo u qaadaan ciidamada Xoogga Dalka.
Dagaal an wax la isula harin ayaa halkaas ka dhacay waxaana Ciidamada Itoobiya la tusay tabartooda iyadoo lagu qasbay inay ku laabtaan xero ciidan oo ay Dooloow ka daganaayeen.
Masuuliyiinta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa lagu wadaa inay war miisaankiisa leh ka soo saaraan islamarkaana ay runta u sheegaan Taliska Midowga Afrika.
Xiligii Maxaakiimta oo ay Ciidamada Itoobiya dalka xoog ku soo galeen ayay shacabka Soomaaliyeed micno daro uxasuuqi jireen iyagoo ka faa’iideysanaya burburka dalkeena heystay xiligaas,waxaa maanta la siiyay cashir micnihiisu yahay Soomaaliyada maanta maaha tii shalay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM