CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Gal-gaduud ayaa sheegaya howgal ay Saaka isla fuliyeen ciidamada Xooga Dalka iyo Macawisleyda dhanka bariga gobolka Galgaduud ay guulo ka gaareen.
Ciidamadaan isbahaysanaya ayaa cagta mariyay saaka deegaano Alshabaabku fadhiyo ku lahaayeen sida Cali Candhoole iyo Baraag Sheekh C/llaahi kadib dagaal saacado socday oo halkaasi ka dhacay.
Deegaanadaan ay weerarka ku qaadeen ciidamada Dowlada ayaa 40KM waxay u jiraan Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud waxayna ku yaal meel howd ah, wuxuu qaatay dagaalka mudo saacadood ah ka how inta aan laga eryin alshabaab.
Warar laga helaayo saraakiisha hogaamineysay dagaalkaani saaka aroortii dhacay waxay sheegaayaan in alshabaab looga dilay ilaa 10 maleeshiyaad ah sidoo kalana hub looga furtay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM