HomeCiyaarahaMuqdisho oo 27-ka bishaan marti-gelineysa ciyaartoyda caan ka ah  Dunida iyo diyaar...

Muqdisho oo 27-ka bishaan marti-gelineysa ciyaartoyda caan ka ah  Dunida iyo diyaar garow socda.

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Xiririka Soomaaliyeed ee kubada cagta Soomaaliya iyo Wasaarada iyaaraha Somalia waxay ku jiraan diyaar garowgii ugu dambeeyay ee lagu soo dhaweynayo wafdi ka socda FIFA iyo CAF.

Wafdigaan ayaa Muqdisho imaanaya 27-ka bishaan, waxaana ku jira  wafdigaan ciyaaryahano Afrikaan ah oo caan ka ah dunida sida Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor, Jay-Jay Okocha.

Ujeedka Wafdigaani ay FIFA iyo CAF u soo direen ayaa ah qiimeynta kubada cagta Soomaaliya iyo garoomada lagu ciyaaro,sidoo kale amniga sida uu yahay inta ciyaaruhu socdaan.

Sababta qiimeynta arimahaan waxay ka dambeysa kadib markii Somalia dalbatay in hada kadib xulka kubada cagta Somali ciyaaraha uu leeyahay lagu dheelo Muqdisho halka tan iyo burburkii Dowladii kacaanka xulkeenu ku ciyaaro dalalka afrika ee dariska ah sida Jabuuti sababo amni darteed.

Diyaar garowga xiririka kubada Cagta waxaa ka mid ah dayactir iyo qurxin ka socota garoonka Satidum Muqdisho oo aad loo sii qurxinayo gudaha iyo banaanka intaba.

“Waxaan Har Iyo Habeen Ka Shaqeynaynaa Sidaan Ku Horumarin Lahayn Guud Ahaan Kubadda Cagta Dalka Soomaaliya, Kadib Markii uu maanta Booqday Garoonka Tuulada Ciyaaraha Dalka Ee Stadium Mogadisho” ayuu yiri Cali Cabdi Shiine oo ah Madaxweynaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta

Guud ahaan bulshada Somaliyeed ,ciyaartoyda iyo xiirka kubada cagta waxaa looga fadhiyaa inay dunida tusaan in Muqdisho amni tahay wixii hada ka dambeeyana aan dalalka martida noo ah ku marti gelin karno dalkeena amni ahaan .

Waxaa jiri doona kulamo halyeeyada kubada cagta Afrika ay Muqdisho Stadium ku ciyaari doonaan si ay u qiimeeyaan amniga caasimada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 2 people and textMay be an image of textMay be an image of 5 people, people playing football and text that says "SOMALINATIONALLEAGUE SOMALI NATIONAL LEAGUE aepodetiote IBSBank IBS Bank IBSBank iaapoeingj8 9 கு Ciyaar Bile AZ @ciyaarbiletv"May be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of text that says "L129 一洲 ሪ Ciyaar Bile L130 L107 L131 L108 L132 LI33 L109 1จ0 L86 L 86 LI LI2 L87 L7S LCP L L88 88 L89 L90 L9 LTL L65 L66 ٦ 66 L67 L69 L68 L10 52 @ciyaarbiletv 51 L50 L 50 L49 49"May be an image of ‎1 person, dais, newsroom and ‎text that says "‎கு Ciyaar Bile f @ciyaarbiletv G ز‎"‎‎May be an image of 4 people and text that says "கு Ciyaar Bile UPto 0 1000Mbps 보고1년년과 @ciyaarbiletv"May be an image of 1 person and text that says "MOGADISHU STADIUM M ਦੇ SFF கு Ciyaar Bile GiGaFIBER telecom helk SomLinka ch MNU LIN Momиbe U 100omb 10 Mb f @ciyaarbiletv"

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -