MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Ciidamada kumaandooska Somalia ee Gor-Gor ay fuliyeen Howlgal la mahdiyay.

Ciidamada ayaa howlgalkaan oo ka dhan ahaa Alshabaab waxay ka fuliyeen Deegaanka Toora-Tooroow ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Advertisement

Kumaandooska ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen goob ay Alshabaabku ku sugnaayeen waxayna dileem 4 dagaalame oo isugu jirey saraakiil iyo ciidan caadiya.

Sidoo kale howlgalka waxay ku burburiyeen goobtii fariisimka u ahayd kooxdaas iyagoona dhanka kale kala wareegay qoryo AK47 ah oo ay ku hubeysnaayeem.

Dhanka kale Taliyaha Guutada 18’aad Ee Kumandoska Gor-gor G/le Xasan Ciraaqi ayaa aad u amaanay una mahad celiyay ciidamada howlgalkaasi fuliyay

“Waad ku mahadsan tihiin ururka 7aad Guutada 18’aad Kumandoska Gor-Gor shaqada qaran ee aad qabateen”ayuu yiri Taliye  G/le Xasan Ciraaqi

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here