Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed (Kaniif) ayaa Maanta kulan la qaatey Saraakiisha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir iyo Hoggaanada ay Quseeyaan Dhamaan Dembiyada Magaalada Moqdisho

S/guuto Cusmaan Cabdulaahi Maxamed Kaniif Ayaa Warbixin Ka Dhageystay Taliyaha Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir G/Sare Mahdi Cumar Muumin oo Sheegey in markii laga adkaadey qoryihii Magaalada lala wareegi jirey hada ay Soo Kordheen falalka la xiriira tooreyda oo ayadana hada howl-galo laga sameyn doono

Advertisement

Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/guuto Kaniif Ayaa ku Bogaadiyey Shaqadii Wanaagsaneyd oo ay Qabteen Ciidanka wuxuuna farey in La Qabto Dhamaan Fal dembiyeedyada Ka dhaca Magaalada lagana hortago Dhagarta Khawaariijta.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here