AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in nin magaciisa lagu soo koobay Ganeey qoorta looga jaray Baangad.
Ninka gacan ku dhiiglaha ah ayaa la soo sheegayaa inuu masayr dartiis falkaasi u geystay,waxay dadka deegaanka qaarkis sheegayaan in dilaaga uu rumeysan yahay in ninka uu dilay uu shukaansan jirey xaaskiisa.
Maalmihii ugu dambeeyay ayuu soo jiitamayay muranka labadaani nin u dhexeeyay xili dadka deegaanku sheegayaan inuu dilaagu dacwo ka ahaa ganeey oo ah marxuumka uu nafta dhaafiyay oo uu maara uga waayay dhanka xaaskiisa inkastoo cadeyn sax ah loo heyn warkaasi.
Muran dhanka masayrka ah oo soo jiitamayay kadib ugu danbeyn dilaaga meel fagaare ah ayuu ninkaan baangad qoorta kaga jaray xili uu shaqo u sii socday.
Dilaaga ayaa mooto ku baxsaday sida wararka qaar sheegayaan waliba isagoo maray barta koontaroolka ciidamada Afgooye lamana oga meel uu u baxsaday ilaa hada.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM