CALIFORNIA (DAYNIILE.COM)-Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa la soo sheegaya inuu shalay ka dhacay Dalka Mareykanka.
Qaraxa oo loo adeegsaday Bambo gacmeed ayaa ka dhacay bannaanka xarunta caafimaadka dhalmada oo ku taalla gobolka California ee Dalka Mareykanka.
Inta ka ogyahay waxaa qaraxa ku dhintay 1 ruux halka afar kalana ku dhaawacmeen kuwaasoo la gaarsiiyay goobaha caafimaadka.
Qarax bambo loo adeegsaday oo ka dhacay bannaanka xarunta caafimaadka dhalmada oo ku taalla gobolka California ayaa waxaa ku dhintay hal qof halka afar kalena uu dhaawac kasoo gaaray.
Qaraxa waxaa isla shalay war ka soo saaray Waaxda sirdoonka ee FBI kuwaasoo qaraxa ku tilmaantay fal argagixisannimo oo ula kac ah loo sameeyay inkastoo aysan faahfaahin cida geysatay iyo ujeedka laga lahaa.
FBIÂ kaliya waxay mar dambe sheegeen inuu jiro qof ay ku tuhunsan yihiin inuu qaraxa ku lug leeyahay walow aysan wali sameyn baaritaan dhab ah oo ay ku kala cadeynayaan inuu yahay taargadka saxda ah iyo inkale.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM