MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Maxkamada Ciidamada Dowlada Somalia la hor keenay askari ka tirsanaa Ciidamada Milatariga kaasoo ka soo baxsaday xabsi ku yaal Magaalada Guri-ceel, ugu danbeyna lagu qabtay Muqdisho.

Askarigaan dhibka geystay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Xiireey Maxamuud ayaa ah nin yar oo dhalinyaro ah waxaana qabashadiisa fududeeyay askariyad ka tirsan Nabad sugida Somalia oo isaga dhigtay inay shukaansaneyso.

Advertisement

Askarigaan ayaa dhawaan Degmada Maxaas wuxuu xabad afka kaga dhuftay Taliye unigiisa dhibane Axmed C/laahi Maxamed markii isagoo isagoo xerada ka maqnaa la weydiiyay halka uu jirey, dood yar oo dhexmartay isaga taliyihiisa ayaa keentay inuu xabad afka kaga dhufto waxaana gaaray dhaawac uu hada ka soo kabtay.

Markii dhibaatada uu geystay ayaa la xirey waxaana la soo tagay maxkamada Ciidamada qeybteeda Galmudug kadib iyadoo ay socoto dacwada ayuu xabsiga ka soo baxsaday waxaana uu si dhuumaaleysi ah ku soo galay Muqdisho gaar ahaan duleedka Magaalada halka loo yaqaan weydoow oo ka tirsan KM13.

Dowlada Somalia oo baadi goobeysay ayaa u adeegsatay gabar sirdoonka ka tiran kaasoo xiriir la sameysay kadibna uu ka dalbaday inay weydoow ugu tagto balse waa askariyad shaqo ku jirtee waxay ku balamisay xeebta liido oo Muqdisho ku taal sidaas ayaana lagu qabtay.

Taliyaha dhibanaha ah ayaa maxkamada ka hor sheegay in askariga markii ay murmeen uu yiri xabad-baan afka kaaga dhufanayaa ,isaguna uu ku yiri hoo iiga dhufo laakiin eedeysanaha markiiba uu ka dhabeeyay.

Xeer Ilaaliyaha ayaa maanta maxkamada ku soo bandhigay cadeymaha eedeysanahaan kadibna wuxuu dalbaday in lagu xukumo diyada dhaawaca uu geystay iyo magdhaw , balse gudoomiyaha ayaa soo xirey maxkamada dib ayaana go’aan ka qaadan doontaa insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.

No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here